tv
|

Uurdoox Qaybtii 6aad Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar

Uurdoox Qaybtii 6aad Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar

Taariikha Mashruuca Islaamiga ah ee Soomaaliya Allaah wuxuu yidhi:﴿وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّـهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴾ [سورة التوبة:١٠٥] “Waxaa tiraahdaa Shaqqeeya, waxaa arkidoona shaqadiinna Allaah, Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, waxaana la idiin celin doonaa Allahii Caalimka u ah waxa maqan iyo waxa muuqda,idiinna sheegi doona waxaad sameeyn jirteen.”

Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii soo qoray faallooyinka, markhaati furka ah, ducooyinka iyo dhiirri galinta. Allaah ha idinka abaalmariyo jannana Allaah ha idin galiyo (aamiin).

Waxaan qoraalkayga ku hormarinayaa qoraal aad muhiim u ah oo markhaati u ah qoraalkaygii hore ee ka hadlayey masjid la’aanta xarumaha dowladda lagasoo bilaabo madaxtooyada, ilaa xeryaha milatariga noocay rabaanba ha noqdeen e.

Qoraanlkan oo uu qoray walaal lagu magacaabo M. Muse waxa uu u qornaa sidan:

Monday, February 6, 2012 at 2:22 am

Asalaamucaleykum.

“Awalan waxaan sheekheena Sheekh Cabdiraxmaan ilaahey uga baryayaa inuu cimrigiisa dheereeyo cilmigiisana nagu anfaco.waxaan sidoo kale Ilaahey uga baryayaa intii saxwada Soomaaliya muruq,maal, iyo maskaxba ku bixisey intii dhimatey oo darteed loo diley ama iskaba dhimatey oo Ilaahey oofsadey inuu jannadiisa fardowsal aclaa ka waaraabiyo, inta noolna uu xifdiyo ajarkoodana uu badiyo (Amiin). Intaas ka dib, Soomalidu waxay tiraahdaa “run sheeg wax kuu marag fura ma waayeyside” Waxaan u maleynayaa aniga iyo sheekhu waxaan nahay isku eyni, waxa uu kasheekeeyeyna waxa badanoo kamid ah goob joog ayaan u ahaa.Waxaan xusuustaa in gabdhaha qaarkood markey iskuulka soo aadayaan ay guriga Kaga soo baxaan xijaab, markey iskuulka derbigiisa timaadana ay iska bixiso,hadhow markey iskuulka ka soo baxdana ay xijaabkeedii dib u gashato.Sidoo kele waxaan walaalkey markhaatiuga ahay xeryaha milteriga inaysan jirin halxero oo uu masaajid ku yaaley.

 

Aniga waxaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ku biirey 13/3/1973 waxaan dhibowga ku galey HIILWEYNE oo Xamar iyo Balcad u dhexeeysa, waxaan ahayn 6 urur oo jadiid ah iyo urur Taangiiste ah, ninkii ciidan waxa ka yaqaana wuu garan karaa ciidankaas tiradiisa, hadana waxaa xusid mudan xereda intaas leg oo intaasoo muslim ah ku nooshahay masaajid iska daaye inaysan mawlac xataa laheyn.Waxaa intaasoo dhan ka daran iney inta tukata fara ku tiris yihiin, hadana aan loo ogoleyn iney si madaxbanaan oo xor ah u tukadaan.

Markuu dhibowgii noo dhamaadey waxaa la ii soo bedeley wasaaradda gaashaandhiga. Waxaan ugu imid sidaan HIILWEYNE uga imid oo ah masaajid la’aan, ninkii yaqaan baana yaqaan tirada ciidammada ka shaqeynayey meeshaan, waxaysan igu inkireynin oo aan u maleynayaa Sheekh Cabdiraxmaan qudhiisu inuu arkey ama kuba tukadey inaan iskeen meel bannaan u xaarxaarananno oo dermo soo gadanno oo meeshaas aan mowlac ka dhiganno, waxayna ahayd meel udhaxeysa xafiiskii maamulka lacagta iyo Dhismayaasha waaweyn.

Waxaa kaloo xusid mudan xeryaha qaarkood iney lahaayeen shaneemo ama meel filimmada lagu daawado masaajidna aysanlaheyn, waxaana meelahaas kamid ahaa xerada guutada 2-aad taangiyada oodweyne, rugta saraakiisha guutada 1-aad madaafiicda goobta.

Sidookale waxaan galey kulliyadda Jaalle Siyaad 1976 waxayna la mid ahayd walaalaheedii ka horreeyey oo aan soo arkey, yaabkuse wuxuu ahaa in haddii aad tiraahdo salaadbaan soo tukanayaa aan laguu ogolaan ama haddii laguu naxariisto markii muddo lagaa aamusnaado lagu yiraahdo,aawey kii lahaa salaadbaan soo tukanayaa orod il biriqsi ku imow, intaas kaddib waxaan ka shaqeeyey meelo badan oo xeryihii X.D.S (Xoogga Dalka Soomaaliyeed) hayaraato hase weynaatee weligey ma arkin xero uu masaajid ku yaallo.Wasaaradaha, wakaaladaha, iyo hay’adaha dowladda oo kalena sidaas bey ahaayeen, marka waxaan rabaa inaad is barbar dhigtaan xiligaas iyo maanta ayadoo weliba wax badan lagu cayaarey.”

Waxaan soo tilmaamay labada madfac oo culus halka ay kasoo dhacaysay oo ahayd waxbarashada iyo milatariga, waxaan kaloo soo sheegay in uu go’aansaday hoggaanka Mashruuca Islaamiga ah ee Soomaaliya, in wixii noo soo baxa oo arday ah loo jiheeyo labadaa meelood, si wax looga baddalo mustaqbalka, loogana dhigo kuwo u adeega Islaamka ee aan loo adeegsan burburinta diinta Islaamka.

Akhristow waxaad sawirataa dawlad yar oo lagu dhextuuray quwaddii Shuuciga ahayd ee ay hoggaminaysay dawladdii Midowga soviet-ka! .Shuuciyadda waa mabda’a nuxurkiisu yahay in aanu ilaah wax layiraahdo jirin noloshuna tahay maaddo. Waxaa noo muuqday waddankan oo muddo kaddib diintii laga tirtiray, lagana dhigay dad aaminsan mabda’a shuuciga. Waxaad ogaataa sidoo kale waxaa jiray dhaqdhaqaaq ama xarako aaminsanayd shuuciyadda oo ay ka dhab ahayd in ay dadka ka xoreeyaan diinta, waxay ahaayeen nimanka ka dambeeyay in Kacaanku qaato mabda’a hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, iyo dhisidda Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S).

Waxaa lagu heesi jiray:

waddadii caddayd (Shuuciyadda),

cagta saarnayee,

ku carraabnayee….

Galitaankii Ciidanka 1974-1983

Kooxdii u horraysay ee layli saraakiisha loo qaatay oo magacooda loo bixiyay “CALI XIIF” waxaa noo galay shan xubnood o culus, oo ku kala biiray qaybaha kala gaddisan ee X.D.S., sida duuliyayaal miiga 21, injinneerro, ciidanka badda oo baranayay maraakiibta dagaalka, kuwa ku takhasusay saadka, iyo taangiyada.

Tirada waa yartahay laakiin waa intii ugu tacliinta fiicnayd dugsiyada lagasoo baxay, dufcaddii ka dambaysay waxaa noo galay dad gaarayo ilaa 34 sarkaal, waxaa lagu jiray kulliyadda milatariga ee ciidammada badda, kuna taallay magaalada Al-Iskandariya ee dalka Masar. Ardayda wax ku baraneeysay kulliyaddaa oo ka kala yimi dalal aad u badan waxa ugu sarreeyay raggii ka socday mashruuca Islaamiga Soomaaliya.

Dalka Ciraaq waxa aaday rag uu kamid ahaa Allaha u naxariistee Dr. Sh. Axmed Xaaji Cabdiraxman (ciidamada lugta) kulliyadda dagaalka ee Suudaan 1977 waxaa galay rag toddoba (7) ah oo aan anigu kamid ahaa sidoo kalena uu kamid ahaa Allaha u naxariistee Yaasin Axmed Maxamad (falastiin) ciidanka Daafaca Cirka, Qaalib Cabdi Xusseen (Kumaandoos kuna dhintay isagoo bixinaya tababar habeen), Col. Sh. Faarax Maxamad saciid (faarax Dheere) oo lagu dilay kontrool ku yaal magaalada Garoowe 2002 kana soo baxay Dugsiga Sare Wamo ee Kismayo, ilaahay ha u naxariisto.

Waxaan ku xaroonnay kulliyadda Dagaalka ee Ciidamada ee Waadi Sayidna oo ay ka baxeen Madaxwaynaha dalka Suudan Cumar Xassan Al-Bashiir, Jacfar An-Numayri Madaxweeynihii hore ee Suudaan, iyo rag badan oo golaha milatariga Suudaan hadda ku jira. Kulliyaddan oo uu dhisay INGRIISKU 1948-kii waxay ku shaqeeysaa nidaam tababar oo aad u adag lagana soo qaatay kulliyadda dagaalka Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst) oo ku taal dalka Ingriiska, waxaan kamid noqonnay dufcaddii 27aad annagoo ka kooban 46 arday oo Soomali ah waxaa horteen ka baxay rag uu kamid ahaa Janaraal Cabdiraxman Maxamud Cali (jiis) u qaybsanahii arrimaha milatariga soomaliya u fadhiyay Mareeykanka.

Suudaan oo dabeecaddeeda adagtahay iyadoo lagu jiray xilligii talada Suudaan hayay Jacfar Mohamed An-Numeeri, milateriga waxba kama duwanayn keennii Soomaaliya xagga xaaladda diineed. Salaadda ayaa noogu adkayd oo laga yaabo mararka qaarkood in aad amardiiddo samayso wax kasta ha dhacaane si aad u soo tukato.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa noo khudbeeyay annagoo tababar ku jirna nin sarkaal ah wuxuuna yidhi:“waxaa la idinka rabaa saddex ‘W’:Women- Wine- War, oo uu uga jeeday faaxisho, khamro, iyo dagaal.Waxaa ku jiro ardayda iyo macallimiintaba raggii ay soo qoondaysay dhaqdhqaaqa Islaamka ee Suudaan oo iyagana iska qarinaya dowladda hantiwadaagga Suudaan.

1992 mar ay dowladda Suudaan ku shirisay khartuum si ay u mideeyso dhaq dhaqaayada Islaamiga Soomaaliya, waxaan la kulmay labo sarkaal oo kamid ah saraakiishii kulliyadda wax ka dhigayay kana mid noqday golaha milateriga Sudaan, waxaan weediiyay ma ku jirteen dhadhaqaaqa islaamka markaan isbarannay? Wuxuu yidhi “haa”, “oo waa isqarineeyseen miayaa? Markaasuu i yidhi “haa”, “dufcad kasta rag ayaa noogu jiray.” Waxaan waydiiyey, annaga mana dareemayseen in aan nahay wadaaddo? Wuxuu yidhi “Waxaan dareennay oo kali ah Faarax Maxamad Saciid (allaha u naxariistee).

Rag kale waxay ka baxeen kulliyaddii Ciidamada ee Jaalle Siyaad oo uu kamid ahaa Sh. Cabdinasir X. Axmed (farey) (ciidanka farsamada) Raggaas waxay u kala carraabeen waddamo kala gaddisan iyadoo hammigooda kali ah uu yahay in ay soo celiyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, noloshoodana ay u bixiyaan Allaah dartii, haddeey xaaladda tagto barako ma leh, in ay dacwada hoos hoos u gaarsiiyaan Ciidammada Qalabka Sida (CQS) oo aan horay u soo sheegay xaaladdooda diineed.

Dhinaca kale waxaa jaamacadaha Suudaan (dhaqaalaha iyo siyaasadda Jaamacadda Umu durman) dhiganayay rag loosoo diray oo ay kamid ahaayeen Dr. Axmed Cali Axmed, Sh. Cumar Aw Sahal, Sh. Cabdulcasiis Faarax iyo Cumar Cabdi (khadiib) raggaas oo barta dhaqaalaha, siyaasadda, iyo culuumta sharciga. Rag kale waxay ka baxeen kulliyaddii Jaalle Siyaad ee Muqdisho. Raggaas waxay u kala carraabeen waddamo kala gaddisan iyadoo hammigooda kaliya ah uu yahay in ay soo celiyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, noloshoodana ay u bixiyaan Allaah dartii, in ay dacwada hoos hoos u gaarsiiyaan Ciidammada Qalabka Sida (CQS) oo aan horay u soo sheegay xaaladdooda diineed.

 

Lafoole 1978-1990

Lafoole waxaa galay rag culus oo uu kamid ahaa DR. SH. Bashiir Axmed Salaad, Sh. Cali moowliid, Cumar Jaamac (isbatoore), Sh. Cabdulqadir Cukash, Sh. Mustafe Ismail Haaruun, Cabdiraxman Maxamud Geelle, Dr. Cabdirisaaq Maxamad Aden (lafoole) Madaxa Jaamacadda Nugaal, Cabdulqadir Cirro, Dr. Maxamud Cabdi Ibrahim (garweeyne), Axmed saciid, Sh. Maxamuud ciise, Sh. Maxamad Cabdi Daahir, Maxamuud Nuur, Dr. Maxamad Cabdulqadir (madaxa jaamacadda banaadir), Axmed Cabdi Waayeel (wasiirkii waxbarashada oo ku dhintay qaraxii shaamow), Cabdulqadir Caddow (oo Maka ku dhintay allaha ha u wada naxariistee), iyo rag kale oo badan (intooda nool Allaah ha xifdiyo, inta geeriyootayna Allaah jannadii ha geeyo).

Raggan dhammaan waxay guntiga u xirteen in ay Jaamacadda Lafoole meel kusoo ogaadaan, uma galin in ay irsiq u raadsadaan oo waxay ahayd meesha ugu mushahar yar, ee waxay u galeen manhajka waxbarashada inay wax ka baddalaan waana xaqiijiyeen, oo raggaas waxay isugu yimaaddeen Manaahijta waxayna ku guuleeysteen in ay waafajiyaan manhajka waddanka shareecada Islaamka, kana saaraan qashinka diin la’aanta iyadoo qoorta ka saarantahay seeftii kacaanka.

Waxaa kamid noqday rag noqday maamulayaal iskuul iyo macallimiin, waxay ku guuleeysteen in arday badan ay ku soo xiraan masaajidda.Waxaa aad u caawiyay culimada kala ah Sh. Shariif Cabdinuur, Sh. Kaaramardhe, iyo Sh. Maxamad Nuur Qawi oo macallimiin ka ahaa jaamacadda. Raggaan waa ragga aasaasay iskuullada Islaamiga iyo mu’asasooyinka wax barasho ee maanta soo saara kumannaan arday ah oo xambaarsan caqiidada Islamka, xiligeeda markaan soo gaaro ayaan faah faahin doonaa inshaa allaah.

Dhabar jabintii Fikirka Takfiirka (Gaalaysiinta):1976-1983

Waxaa dunida Muslimka kasoo baxay dhaqdhaqaaqii loo bixiyay Takfiirka iyagana la baxay “Jamaacatul Mu’uminiin” gaar ahaan Masar, markii wixii islaam ku dhaqankiisa doonayay laga buuxiyay xabsiyada Masar, qaarna la laayey, ayaa waxa la iswaydiiyey! war dadkaan islaamka dartii noo dilaya ma Muslinbaa mise waa gaalo? Waxaa la yidhi, muslim ma dhihi karno, waayo waxay ku xukumayaan Allah sharcigiisa waxaan ahayn, oo tawxiidkii Xaakimiyadawaa ka buray, kuwa u shaqeeya ee askarta u ahna waa gaalo, dadwaynaha taageerayana waa gaalo. Yaa muslim ah oo soo haray? kooxdeennan oo kali ah iyo inta nagu soo biirta.

Dhulka Muslimiinta waxa loola dhaqmayaa sidii dhul gaalo (daarul kufri) saas darteed guryahiinna qiblo kadhigta, jimce iyo jamaaco ma jirto, hilibka ay qalaan dadkaas gaalada ah lama cuni karo, waana in laga haajiraa haddii meel la tago la helo.

Waxaa naloo soo waariday fikirkii oo sidiisii ah ayadoo aan aad loo lafa gurin, maraajicda cilmigana miisaankeeda la saarin ayaa la keenay Soomaaliya.Waxaa bilawday dood aad u kulul oo aan dhammaanayn taasoo keentay in shaqadii dacwada inteedii badnayd ay joogsato.

Sh. Cabdulqaadir Sh. Mxamuud oo dhaqdhqaaqa madax ka ahaa ayaa qaatay manhajkii takfiirka (gaalaysiinta), waxaa la yidhi xubnaha dhaqdhaqaaqa dib ha loo islaamiyo, kii ku qanca manhajkana ha la qaato kii kalena ha la iska tuuro.Waxaa fikirkan qalloocan ka horyimid raggii ugu aqoonta roonaa, aadna ula dagaallamay.

Kooxdeenni Suudaan joogtay iyo raggii kale ee ku jiray kulliyadaha milateriga waxaa naloo soo diray laba nin si ay noogu akhriyaan casharadii dib-u-islaaminta, kaddibna su’aalo na weeydiiyaan si ay noogu sheegaan in aan ka baxno kulliyadda maadaama ay tahay kulliyad ciidan gaalo una shaqeeyn doonta dowlad gaalo ah, wuxuu qoray mustashaar Hassan Hudeeybi kitaab uu u bixiyay“waxaan nahay ducaad ee ma nihin qaadiyaal” sheikh allaha u naxariistee wuxuu dadka ka jeediyay in ay ku mashquulaan xukumidda dadka ee ay ku mashquulaan dacwada iyo hagaajinta dadka .

Waxaan ku idhi Sh. Cabdicasiis Faarax (allaha u naxariistee) adigaa firaaqo hayee soo diyaari wixii aad ku naqdin lahayd fikirkan, waxaanan u sameeyay laba waqti oo kala gaddisan si ay raga u dhagaystaan labada dhinacba. Markii uu dhammaaday siminaarkii ayaa lasoo bandhigay su’aalihii, fikirkii takfiirka ahaa, Alle mahaddii wax saamayn ah naguma yeelan raggeennii meesha joogay, kaddibna wafdigii waa la laabteen go’aankoodii ahaa in laga baxo ciidamada.

Waxaan dhammaysannay kulliyaddii waxaan toddobadeenni kamid noqonnay tobanka u horreeya dufcaddii 27-aad ee 1979-kii ka baxay kulliyadda dagaalka ee Suudaan.Waxaan soo noqonnay carradii oo takfiir ku galgashay oo ay gaartay in la kala baxo.

Markaan soo noqonnay rag badan waxaa ku dhacay niyad jab aad u wayn, qaar ayuu dib u saameeyay fikirkii takfiirka oo ka baxay ciidamada rag kalena waxay ku biireen dhaqdhaqaaqii cusbaa ee isku manhajka ahaayeen. Sh. Cabdulqadir Sh. Maxamuud wuxuu ku dhawaaqay in uu kala diray ururkii uu madaxda u ahaa, raggiisiina waa la ruqay.

Wixii culimo ahaa waa la isu soo noqday waxaa la aasaasay dhanka koofureed urur cusub oo lagu saleeyay manhajka salafka loona bixiyay al-Jamaacah Al-Islaamiyah oo uu madax u noqday Sh. Maxamuud Ciise. Ururkan waxa isugu tagay rag kasoo wada baxay Jaamacadaha Islaamka oo ah rag aad u culus.

Waqooyiga Soomaaliya waxaa kasocday dhaqdhaqaaq xoog badan, Sh. Cali Warsame wuxuu ii sheegay in la waydiiyay in uu magaalada ka keeno hal qof oo la aaminsan waxa uu aaminsanyahay uuna soo waayay. Waxaa kaloo la ii sheegay in uu magaalada Hargaysa soo booqday Qaariga Sh. Khaliil Xusari, kadib wuxuu la yaabay dad da’ah kaliya oo masaajidda ku jira, kaddib wuxuu yidhi hadal ah “Soomaalidu ma todobaatan jir ayey kusoo islaamaan”?

Maxaa xigay Waa inoo qormada soo socota hadduu Alle idmo lasoco qaybta 7-aad


W/Q Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar